Beesha Reer Nuur Ugaas Diini ee Mareexaan oo suldaan dooratay!, ka dib, markii muddo labo bilood ah loo fadhiyey. Beeshu waxay u baahatay in ay odey dhaqameed ay ku dhantahay dhisato oo danaheeda u taagan beesha iyo saaxibadeedba. Beeshu waxay diyaarisey xeer-dhaqameed lagu shaqeeynaayo intii aan lagu caanoshubin suldaanka.
Daawo masawirada
1)Beeshu waxay buuxineysaa muuqaal iyo waxqabad quruxeedkii lagu yaqaaney ayna ku dhexlahayd ummadda Soomaaliyeed ilaa iyo odeygii ay ka soo farcantay Ruur Ugaas.
2) Beesha waxaa axdigeeda ku cad in ay kula noolaato ummadda Soomaaliyeed iyo wadamada dariska ahba: nabad, isqadarin, waxwada qabsi, iskaashi iyo wada noolaansho sharaf iyo wanaag kusaleysan. Beeshuu waxay sare u qaadeysaa tayeynta dhalinta soo koreysa sidey u hanan-lahaayeen mustaqabal wanaaga ummadda.
3) Suldaanka la doortey hab-maamuuskiisu waxuu ku cadyahay axdidhaqameedka beesha, kuna saleysanyahay habkii taariikhiga ahaa ee beeshaan. Suldaanka aabihii ayaa loo doortey xilkaan 1960kii waxuuna dhintey 1966dii, ka dibna la’isma weydiin, waayo marxaladihii dalka ayaa saamixiwaayey.
Walaalayaal waxaad hoos ku arki doontaan masawiro muujinaaya doorashadii iyo damaashaadkii lagu dooranaayey Suldaanka iyo asagoo dhexfadhiya ummaddiisii magaalada Balanballe ee gobolka Galguduud!!!
Mahadsanidin walaalayaal.