|
Maanso Gabay "XASARAD" by Abwaan Duraan A. Shirwac
|
|
Posted by Opinion Monday, May 11 @ 21:48:15 EDT
|
|
maansadan aan ugu magac daray(XASARAD)waxaan sameeyey 11-05-09, ka dib markii dagaalo qaraar oo u dhaxeeya kooxa islaamiyiinta iyo dawlada ku meel gaarka soomaaliya dagaal qaraar oo lagu hoobtay uu ku dhex maray caasimadii soomaaliya ee mugdisho. Taasoo qalabka warbaahintu ay kasoo tabinayaaan muuqaal aad uool xun isla markaana uu mugdi galay sansaankii nabada ee umada soomaaliyeed baahida u qabtay,ayaan maansadan waxaan ku cabirayaa kulana kooxaha isku haya caasimada soomaaliya ee mugdisho
waxaanan ku bilaabay sidatan(bismilaahi raxmaani raxiim xasaradaan iska taagan xiisadaan maanta aloosan iyo xasalooni la,aantan xal ninkii u maleeyo weli xoogso lahoo xil u ciil qabobaa xisaab aaqiro oon xigaalo aanan lahaynbaa xabaashaa dabadeed xaashaa lilee kusugaysee kii xalaashada dhiiga islaanku uu xarimoo xaaraantimeeyey illaah xadgudub diinta sameeyiyo xadiiskii nabigii(scw) xurmaynuu suu raba uun xero taraar ku sameeyow sidii xeer dad dhigteen oo xukuumad samaysay xaqiiqdii ka tagoo xaqiraa diinta islaamkow xarakaadka islaamko sheeganaya xuquuq iyo xal inuu raadinayow xinjira dhiiga hadeer xamar daadinayo dadweynihii xabad maanta ku xasuuqahayoo xal dagaal u maleeyow xil inuu ku helaayo ku xasilaaya u moodo u xusul duubahayow maad xisaabtaminoo adaa xiiqsan unoo isbiday xoog yara buuxee xisbiyadaan isku biiriyo xarakaadka shabaabo shariif uun ka xayuubsha is dhahaaya xilkoow idinkoo xogagaal ahaynoo is xog waraysan u xusul duubte dagaale xiisad keentay colaad iyo xinjiro daadsan dhulkii oo xamar cadeey maan dhexdeeda shacabkii la xasuuqoo dhaawacii xero buuxshoo mayd xad dhaafuhu yaalo xasan daahir aweyska xisbi islaan maanta hogaanshiyo xarakaadka shabaab iyo shariifoow maahan xaltaasuye xakameeya dagaalkan xiisa looma qaboo ku xakaaryey dadkii eh xeebahaan cadawgaan maraakiibta ku xoonsanoo xooganoo dhooban agteena xeeruu maanta dhulkeena xansadaa ku yimaado xarakaadka shabaab iyo xisbi islaanow marmarsiiyu ku xalaaleysan dartiinoo xadka ciidan shisheeye inuu xoog ku yimaadoo xabashidiina la keenoo xaalku uu ka daraa xarakaadka shabaab iyo xisbi islaanow iidnu ogeyno ku xisaabtaminoo xog kahaynin midaaso xaqiiqdii aad ka tagteene la xaajooda shariif iyo maxaakiintii aad xisbi waa xigaaladiina ahayd xorayntii cadowgii iyo xarbigii dabadiisbaad is xaasid aad noqoteene xabad joojin sameeya inta aan cadow xoogleh xasaradaan taala dhexdiina xaashaa lilee gabigiin xabsi uu idin geynoo xalaalaysan dhulkii xayndaab aanu gumaysi iyo noo samaynin xuduudoo xukunkaan hanan weynay naga xayuubin dhamaanoo xoriyadii naga qaadin inta aan xarbigaan xisbiyo sheegan islaan ku jirnoo dhiiga xalaal iyo xaaraantaan eebe banayn xal inay tahay aad xarakaadka islaamkiyo u moodaan xasan yaal iyo shariifkii xaajiga sheegtoo xilkii aan madaxweyniyo xukunkiiba u dhiibnow xabaalbaad calankii xagaagaan ku wadaanoo xididadaad qarankii u siibteen xaalku siduu xaqiiqdii maanta yahee xarakaadka shabaab iyo xisbi islaan kuwa sheegtiyo xaruntii madaxtooyo xasaradu maanta dhextaalow xakameeya dagaalkoo xabad joojin sameeyoo dagaal maahan xal maantoo dadkii wuu ku xakaaroo xiiso looma hayee xarbigaan ahligaa iyo xasaradaan naga daaya. abwaan-duran a shirwa email.dshirwa@yahoo.com london/uk 11-05-09 |
|
| |
|