|
ururka dhalin yarada Degamada Caabudwaaq oo taageeray shirka Columbus
|
|
Posted by Caabudwaaq Tuesday, May 26 @ 22:14:05 EDT
|
|
Ururka dhaliyarada Degmada Caabudwaaq ayaa si buuxda usheegay inay taageerayaan oo ay soo dhaweynayaa shirka Columbus Ohio ka dhaaya dhawaan. afhayeenka ururka Dhalinyarada degmada Caabudwaaq Abuukar nuur xalane oo ka hadlayey shirka beesha Sade ay isugu imaanayaan dhawaan in uu yahey mid aad muhiim u'ah ayna jecelyiciin inuu noqdo mid wax kabadala afkaaraha qaldan iyo tala xumada heysada deegaanada beeshu ay degto oo aan laheyn wax hurumar ah sidaa darteedna loo baahan yahey in uu wax kabadalo marxaladaha curyaamiyey deegaanada beesha.
waxaa sidoo kale uu baaq ujeediyey guud ahaan dhalinyarada beesha ee kusugan gudaha iyo dibada inay siiyaan taageero niyad ah maadaama ay yihiin jiilka loo baahan yahey in ay wax ukordhiyaan deegaanadooda iyo dadkooda muda dheer ahaa kuwoka harey horukaca somaliya. dhinaca kale waxaa uu ugu baaqey gudiga qaban qaabada shirka Columbus in ay ka feejignaaaan wax kasta oo curyaamin kara horukaca shirka iyo dadaalkooda ay mudada kusoo taamayeen isagoo talo ahaana usoo jeeediyay in ay xariir la sameeyaan guud ahaan deegaanada looga hadlayo shirkaasi. C/kariin Axmed Bulxa. Caabudwaaq-Somaliya |
|
| |
|