Inaa Lilaahi Wa-inaa Ilaahi Raajicuun, Waxaa Xalay oo Taariikhdu ahayd 22-ka bisha September ku geeriyooday magaalada Nairobi, allaha u naxariistee Xaawo Siyaad Barre oo la dhalatay madaxweynihii Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre. Xaawo Siyaad Barre waxay dhalatay taarikhdu markay ahayd 1922, waxayna ahayd 87-jir. Anagoo ka tiiraansyeysan geeridaas ku timid marxuumadda waxaanu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay ka baxday, waxaanu ilaahay uga baryeynaa inuu janadiisii Fardowsa ka waraabiyo
Waxaan halkaan si gaar ah uga tacsiyaynaa Ambassador Cabdikarim Cali Cumar iyo xaaskiisa Deeqo Maxamed Siyaad, Maryan Cali Cumar, Sulub Cali Nuur, Jamaad Cali Nuur iyo dhamaan qoyska reer Barre meel ay joogaanba.