| Waraysiyada iyo Maqaalada |
| |
|
Faallo: Maxaa si ka ah C/risaaq JiiJiile waa fududaadaye by xaad
|
|
Posted by Opinion Wednesday, April 16 @ 09:12:53 EDT
|
|
Wasiirka Dib u heshiisiinta ee dowladda FKMG ah C/risaaq jiijiile oo dhawaan waraysi siiyey warbaahinada qaar ayaa sheegay in xildhibaan Barre Aadan Shire (Hiiraale), General Axmed Warsame, xildhibaan Yusuf Kaanti iyo Xildhibaan Nuur Mataan ay kismaayo u tageen dano iyaga u gaar ah.
Waxaa uu wasiirku intaa raaciyey in Barre Hiiraale iyo wafidigiisaba aysan mas'uul ka ahayn dowladda FKMG ah, isla markaasna meeshii uu bari ka talin jiray Barre Aadan Shire aanan xiligeedii la joogin oo la soo dhaafay.
Markaan maqaalkaas aqriyey runtii aad baan uga xumaaday sababtoo ah Jiijiile waxuusan ogayn Kismaayo marxaladahay soo martay. Barre iyo xildhibaanada la socdana ay yihiin rag ka soo jeeda beesha ay u tageen ee kismaayo dagan, xaqna ay u leeyihiin inay khilaaf bixiyaan, wax ku jabana aysan jirin,.
Dowladda tabarta daran ee liicaysa ee C/risaaq Jiijiile wasiirka ka yahay waxaa waajib ku ah inay taageerto cid kasta oo u taagan nabad iyo maslaxo laga dhaliyo umadda dhexdeeda, taasaana horumar iyo dowladnimo lagu gaari karaa.
 Xildhibaan Axmed Warsame, xildhibaan Yuusuf Kaanti iyo Barre Aadan Shire Hiiraale | Arinta wasiirka waxaan u arkaa inay tahay inuu ku magacaaban yahay wasiir dib u heshiisiin, xildhibaanadana ay mudan yihiin inay isaga uga dambeeyaan wixiii heshiisin beeleedyo ah. Laakiin taasi waxba kordhin mayso, sababtoo ah, qof kasta oo wanaag doonayo, ama samaynaya maslaxo waqtiga hadda la joogo mudnaan buu leeyahay. Hadalka wasiirka ka soo yeerayna waa kuwa ay adeegsadaan qolooyinka diidan horumarka beesha SADe. Beesha SADE iyo xildhibanadedana maxbuus uma aha dowladda taagta daran ee ina Yeey
Haddii ay dowladda ku taageertana kaba sii wanaagsan.
Gabagababdii maqaalkayga waxaan filayaa inay mudnaan lahayd in C/risaaq Jiijiile uu raali galin buuxda ka bixiyo warkaas guracan ee uu dhawaan siiyey shabakadaha warbaahinta ee ka howlgala gobollada Gedo iyo J/hoose, galgaduud. sababta aan u irina waa in aanan la joogin xilli la sheegto wasiirnimo, ee ay tahay xillli shaqsigii wanaag muujiyaba mudnaanteeda uu leeyahay. Anigu waxaan taageero buuxda iyo hambalyaba u soo jeedinayaa ehlu sharafka had iyo goor u taagan wanaaga beeshooda, lana qaybsaday marxalad kasta oo ay ku sugnaayeen beri xumaadkii la soo maray, wax taageero ahna uma hayo nin mushaaxayey qurbaha, biyaqabow iyo quraarado biyo ahna isku dabawaday markay halyeeyadu dhib iyo dhaawacba ka muteen wanaagga beeshooda.
Waxayna mudan yihiin amaan iyo bogaadin, ee durid iyo dhaleecayn way ka nasahan yihiin, xaasha lilaah
halkaan ka aqri waraysigii uu Jiijiile siiyey warbaahinada riix
xasan xaad xxaad2007@yahoo.com |
|
| |
Average Score: 5 Votes: 1

|
|
|
Re: Faallo: Maxaa si ka ah C/risaaq JiiJiile waa fududaadaye by xaad (Score: 0) by on Wednesday, April 16 @ 09:43:50 EDT | marka hore wa idin salamaayaa dhamaan bahda gedoweb sida wanaagasan ee ad jaanis nogu siiseen inaan ka hdalno maqaalda. cabdirisaaq jiijle waa socod barad aanan ganayan how to walk the walk waxaana ku qaraabta ina yeey iyo beeshiisa rag kalaana hoos ka soo rixaya oo layaqaan. ee waxan kugula talin lahaa yaanan qar lagaa tuurin.
nin aan kuu furi doonin yuusan kuu rarin |
[ Reply to This ]
|
|
Re: Faallo: Maxaa si ka ah C/risaaq JiiJiile waa fududaadaye by xaad (Score: 0) by on Wednesday, April 16 @ 10:55:47 EDT | xaad, ninyaho si aad iyo aad u ficaan baad u hadashay. maqaalka gedonet so gelisay webka waa mid lago xumaado.
|
[ Reply to This ]
|
|
Re: Faallo: Maxaa si ka ah C/risaaq JiiJiile waa fududaadaye by xaad (Score: 0) by on Wednesday, April 16 @ 11:58:57 EDT | | Yaab iyo amakaak ninkaan shilimaadka kahadalsiinayaan waa garanee tollow Gedonet maxaa qaadey oo haya? see qof ugu fakarikaraa asagoo isticmaalaaya magaca Gedo/Jubboyinka inuu dantiisa kasugo odeyga 90jirka ah iyo dowladiisa dhiciska ah? Gedonet halkee ku maqneydeen 10kii sanoo lasoo dhaafey mise waxaad usoo jeesateen faafinta borobagaandada cadowga Jubbaland??????????? |
[ Reply to This ]
|
|
Re: Faallo: Maxaa si ka ah C/risaaq JiiJiile waa fududaadaye by xaad (Score: 0) by on Wednesday, April 16 @ 12:38:18 EDT | Waxaan ujeedna in Mareexaanka hadda sifiican looga faa'iidaysanayo oo laysku dirayo ayadoo la adeegsanayo dad aan indheergarad ahayn oo Bari samaadka uun soobaxa shalay markii sade larabay in Gedo laysugu geeyo raggii godka kasoosaaray in maanta lagu abaalmariyo xataa Nabad hadhexdhiginna ummadda soomaaliyeed ee kuwada nool Jubbooyinka waxaan u arkaa Doqonimo, Xaasidnimo, Fulaynimo, iyo waxlamid ah. Yeyse dan ugujirtaa waa yaabe in aan Maamul ladhisan in aan laheshiin waxaan u
Read the rest of this comment... |
[ Reply to This ]
|
|
Re: Faallo: Maxaa si ka ah C/risaaq JiiJiile waa fududaadaye by xaad (Score: 0) by on Wednesday, April 16 @ 16:37:19 EDT | | kabaha bare hiiraale i waa masiin socod barad ah o bito qabw ka dhargaye....hortayo kuwa ahmed warsame iy kuwa yusuf kanti iyo ina mataan ayaa dhama wasiir ku sheega ..iska daaya meelahaas haka qayliyee... wasiir abdulahi yusuf hal mar ila qosla bal...kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk gax gax gax gax ....maxaad wuxuu yiri wax uga dhigaysaan....waa dameer futada mahbar uga qoran tahaye!!! |
[ Reply to This ]
|
|
Re: Faallo: Maxaa si ka ah C/risaaq JiiJiile waa fududaadaye by xaad (Score: 0) by on Wednesday, April 16 @ 21:28:10 EDT | waa idin salaamay gedo web .waa layaab ninkasta oo wasiir laga dhigo ama taliya ciidan lagadhigo wuxuu kabilaabin wax walba oo xumaan ah beeshiisa bal hada c/risaaq fiiriye dadka uu wax kasheegayo matartan aayaa kadhaxeeya mise wasiirka lagusiiyey abti nimada ayaa kakeeneysa oo ragii siiyey ayaa daba fadhiya oo eegaya hadaladiisa. aniga ahaan waxaan kula talin lahaa c/risaaq ragiisa ha kaaraali galiyo hadii uu diidana kismaanyo iyo shan xabadood kusoo dhawoow talada udanbeysa aan si
Read the rest of this comment... |
[ Reply to This ]
|
|
Re: Faallo: Maxaa si ka ah C/risaaq JiiJiile waa fududaadaye by xaad (Score: 0) by on Thursday, April 17 @ 02:17:06 EDT | Horta ninkani xaggee halganka ka soo galay? Waa yaab. War ya yaqaanna wiilka? Adeer, Cumar Maxamuud baa ii reer abti ah iyo waan ka qabaa ummad looguma taliyo. Nmanka aad sheeganeyso iyo Marrexaan waa col. Adeer ayaga la safo ama Marrexaan soo raac. Looma baahna nin Majeerteen dabadhilif u ah ee waxaa la rabaa nin Marreexaan oo fayoo oo Marrexaanamadiisa ku caabaana maala. Lama rabo wax lagu adeeganayo oo leh abti baa la ii yahay iyo wax qamrreeysan afar labaatan saac sida ina Isaaq Biixi. Read the rest of this comment... |
[ Reply to This ]
|
|
Re: Faallo: Maxaa si ka ah C/risaaq JiiJiile waa fududaadaye by xaad (Score: 0) by on Thursday, April 17 @ 03:13:22 EDT | | Raga kadhawajiya in abti looyahay c/risaaq kaligiis abti looma ahan Yasiin Radaar qudhisa abti ayaa looyahay Ciise maxamuud baa u ah Dadkisana dhexda ayuu kaga jiraa marka Raga leh Taas wax ba yaysan qiil kadhigan ee cidii heshiis iyo hor mar wada halala shaqeeyo hana la soo dhaweeyo majayrteyna iyo sade siyasad bay isku hayaan ee colaad kale u ma dhaxayso ogaada |
[ Reply to This ]
|
|
Re: Faallo: Maxaa si ka ah C/risaaq JiiJiile waa fududaadaye by xaad (Score: 0) by on Thursday, April 17 @ 03:57:22 EDT | waa la yaab nin lagu xumaynayo reer abtigiis,aniga majeertenbaa reer abti ee ah,marexaana waan ahay,fadlan familga dhow siyasada halaga dhafo,ilaahbaan kugu dharshee hooyada ma qofkale ayaad ku badalan lahayd.abti yaal. guuleysta, guuleysta ,guul lagu gaara guleysta.this is far from politics |
[ Reply to This ]
|
|
Re: Faallo: Maxaa si ka ah C/risaaq JiiJiile waa fududaadaye by xaad (Score: 0) by on Thursday, April 17 @ 04:12:42 EDT | Akhyaareey waad salaamantihiin. Sade iyo 4 xildhibaan ee kismaayo joogtaa waa isku talo. danaha umada Jubbland oo dhan taasoo qeyb ka ah dawladnimada federaalka ah ee Soomaaliya ayeyna Kismayo ujoogaan ee danaha C/lahi yusuf sida khaaska u raadinayo uma joogaan. C/risaaq Ashkir oo lagu yaqaan: 1-wixii uu Qunsuliyadii Somaliyeed ee Belgium ka geystay 2-sharaf xumadii iyo xarigii uu Sweden uga cararay 3-shakhsi xumada iyo dhaqan xumada ay kuwada yaqaanaan reer
Read the rest of this comment... |
[ Reply to This ]
|
|
Re: Faallo: Maxaa si ka ah C/risaaq JiiJiile waa fududaadaye by xaad (Score: 0) by on Thursday, April 17 @ 07:56:26 EDT | kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk; waa yaabka yaabkiis.
Maxaa Barre, Nuur Mataan, Iyo Yuusuf Kaati ka Qoseeyo Nabad? Waaba Ragii dagaalkee? yaa Noo diriri? Raxanweyn wexey tiri (qaar-roorooro lahow qaar reereebana lahow) Wasiirka waa Aqoon yahan u dhashay dalka iyo dadka wuuna mudan yahay in uu ka hadlo Nabada."weyna dhamaatay xiligii dadka la leyn jiray waxaana loobaahan yahay in caqliga shaqeeyo.
|
[ Reply to This ]
|
|
Gedoweb oo opinion news ka dhigtey dadkana isku direysa (Score: 0) by on Thursday, April 17 @ 10:26:37 EDT | horta dhibka jira beesha ayaa ah in 21kii sano ee aabe siyaad hal
saf lagu jiro oo kii wadaad noqda ama dowlad ku sheega ka mid noqda in
sidii eey loo gorfo barre wasiir ayuu ka ahaa dowlad ku sheegta cid
amaanta mooyee cid wax ka sheegta ma maqal, crisaaq ninkan
dhalinyarada ah ee gobolkii gedo degdegmo intuu dadkii deegaanka u dhex
fariistey maamulada maanta jira ee lagu nabadeystey ka dhisey wuxuu
mudan yahey abaalka barre mid kun jeer ka sareeya sababtoo ah barre
weligiis meel m
Read the rest of this comment... |
[ Reply to This ]
|
|
Re: Faallo: Maxaa si ka ah C/risaaq JiiJiile waa fududaadaye by xaad (Score: 0) by on Thursday, April 17 @ 19:35:16 EDT | | waxba si kama aha jiijle ee waxeydan gararn siyaasad Mr barta siyasada |
[ Reply to This ]
|
|
Re: Faallo: Maxaa si ka ah C/risaaq JiiJiile waa fududaadaye by xaad (Score: 0) by on Thursday, April 17 @ 20:21:17 EDT | horta abtiyaasha yaan la ceyn anagoo dhan ayaa abtiyaal leh nin
abtigiis necebna naguma jiro ina ashkir wuxuu qalad sameeyo abtigiis
looma saari karo laakiin ninka aad u wada fara baxsaneysaan wuxuu ka
dhashey beesha mareexaan ugu yar aniga iyo isagana isla reer abti ayaan
nahey fikradiisa doqonimada ahna kuma raacsani abtigiisna kuma raacsana
inuu dadkiisa aflagaadeeyo, isagana hadii uu qaldamey walaalayaal si
fudud haloogu sheego yuusan sas naga qaadinee kuwa horey nooga sasey
a
Read the rest of this comment... |
[ Reply to This ]
|
|
Re: Faallo: Maxaa si ka ah C/risaaq JiiJiile waa fududaadaye by xaad (Score: 0) by on Friday, April 18 @ 04:02:30 EDT | Gedonet waa waalatay ee Allow noo fayoobee. Jiijiile tolkiis waa u han weynaa, waxaanna la filayay inuu ka mid noqon doono hogaamiyeyaasha SADE ee lagu tixgaliyo asluubaysiga, indheergaradnimada iyo xaq u dirirka. Laakiin waxaa nasiib darro ah in inta batari iyo cajalad kun jeer hore waxa ku duuban loo dhagaystay la soo galiyay lagu dul shiday beeshiisa. Jaalle Jiijiilow waxaan ku leenahay ka waantow dhaqamada caynkaas ah oo aysan beel weynta SADE dhaqan u lahayn. Haddi Read the rest of this comment... |
[ Reply to This ]
|
|
Re: Faallo: Maxaa si ka ah C/risaaq JiiJiile waa fududaadaye by xaad (Score: 0) by on Friday, April 18 @ 06:59:33 EDT | | vhgghjhhjfgfhgfhgffhgghgh |
[ Reply to This ]
|
|
Re: Faallo: Maxaa si ka ah C/risaaq JiiJiile waa fududaadaye by xaad (Score: 0) by on Friday, April 18 @ 07:20:34 EDT | Salaan Dhamaantiin. Maanan jeclayn in aan wax ka iraahdo maqaalada lagu soo qoro website yada Somalida qaarkood. Laakiin waxaan jeclaystay in aan fakarkayga ku darsado mawduucaan Intaan Comments kan aqrinayay wali maanan arag qof kahadlay gedonet oon anigu aaminsanahay in ay ayagu buunbuuniyeen hadalka C/risaaq. Marka Gedonet waxaan xasuusin lahaaaa in waxii xushmad, taxadar, run iyo cadaalad ay ku waayeen aaney dacaayad ku helayn Read the rest of this comment... |
[ Reply to This ]
|
|
Re: Faallo: Maxaa si ka ah C/risaaq JiiJiile waa fududaadaye by xaad (Score: 0) by on Monday, April 28 @ 18:00:44 EDT | fghjklfghjklghjjk
|
[ Reply to This ]
|
|
|