|
SDSI oo diiday eedaymaha iyagoo soo bandhigay waxqabakooda
|
|
Posted by USA Tuesday, December 29 @ 00:21:12 EST
|
|
SDSI waa urur curdin ah, 5 bilood ka hor la unkay, dhaqaale horay meel u sii yaalay oo uu dhaxlayna aysan jirin, hawlwadeenkiisu part-time volunteers ay yihiin, ku kala baahsan dunida dacalladeeda, aqoon, fikrad ku kala kadisan balse ku midaysan wax u qabashada dadka Soomaaliyeed oo inta badan ku nool wadankii Soomaaliya oo lagu tilmaamo inuu yahay waddan fashilmay; waddan lala xiriiriyo dhimasho, dagaal sokeeye oo daba dheeraaday, qabqablayaal dagaal, argagixiso iyo burcad badeed casri ah. Bal qiyaasa urur ay yagleeleen qurbajoogta Soomaaliyeed oo intaas oo caqabadood iyo mishkillo oo aan sheegay ay horyaalaan
Waxaan filayaa inta waxyabood ee aan kor ku xusay markii la barbardhigo mudadii ay SDSI jirtay, waxqabadka ururka ee mudadaas gaaban oo aan hoos ku xusi doono inay idiin soo bixi doonto jawab waafi ah oo idinka kaafiso su`aalaha qaar oo dadka is weydiin karaan.
Maxaa illaa hadda noo qabsoomay?
Walaalayaal xaaladahaas adag oo jira awgood ma gaarsiisnin halkii aan jeclaan lahayn inaan gaarno. Hase yeeshee waxqabadkayagu eber ma aha. Iyadoo ay sasi jirto ayaan waliba waxaan soo dhawaynaynaa Is dhaliil ujeeddadiisu tahay guubaabo iyo is boorrin waan qaadan karnaa
1-Waxaan go’aansanay in sabti kasta 1:00 p.m ay kulmaan board of directors SDSI halka golaha dhexena uu bishii hal jeer ay kulmi donaan.
2-Waxaa laga dooday, dabadeedna la go’aansaday magaca ururka Somali Diaspora Support Iniative(SDSI).
3-Waxaa la go’aamiyay in xarunta ururku noqoto Columbus OH.
4-Waxaa Columbus OH, laga diiwaangeliyay magaca ururka.
5-Waxaa la go’aansaday hannaanka go’aan qaadashada,iyo habsami u socodka shirarka.
6-Waxaa la magacaabay guddi uruuriya talooyinka qaabdhismeedka ururka.
7-Waxaa laga dooday, la kala doortay, ka dibna la aqbalay qaabdhismeedka ururka.
8-Waxaa la go’aamiyay in guddomiye ku xigeennadu saddex noqdaan.
9-Waxaa la doortay 2 guddoomiye ku xigeen.
10-Waxaa la dhisay waaxihii iyo guddi hoosaadyadii ururka.
11-Waxaa la magacaabay guddi soo diyaariya xeerka, isla markaana waafajiya qaabdhismeedka.
12-Waxaa la magacaabay guddi kale oo review ku sameeya wixii guddigii hore soo diyaariyeen.
13- Sharcigii labada guddi soo maray ayaa golaha guud go’aamiyay in sharci yaqaan loo gudbiyo.
14(a)-Wuxuu golohu si buuxda u ansixiyay sharcigii laguhagi lahaa ha`adda
14-(b)Waxaa la dhisay Websiteka ururka oo dhawaan si rasmi ah u shaqo bilaabi doono iyo website kale oo logu talagalay in aqoonyahanada iyo waxgaradka ku doodan kuna kulmaan
15-Waxaa la sameeyay lana aqbaly astaanta ururka.
16-Waxaa la sameeyay address iyo telefoonadda ururka.
17-Waxaa marar kala duwan lala xiriiray kooxaha kala duwan ee is haya.
18-Waxaa lala xiriiray ugaaska beesha, odeyaasha, iyo waxgarad kale oo beesha ka tirsan.
19-Waxaa lala xiriiray culumaa’udiin aan loo tirineynin kooxaha is haya.
20-Waxaan baahinay baaqyo nabadeed iyo kuwo aan mawqifkayaga ku caddeyneynay.
21-Waxaan la xiriirnay guddiyo, siyaasiyiin, iyo waxgarad kale oo beesha u dhashay.
22-Waxaa xubnaha ururku ka abaabuleen meelaha ay joogaan shirar beesha lagu wacyi galinayay.
23-Waxaa uruku jawaab cad oo asluubeysan siiyay dadkii dareenka ka muujiyay Sade danihiisa u istaagay.
24-Waxaa ururku ku guuleystay suurtagelinta socdaalkii Ku-Xigeenka 3aad ee Wasiirka 1aad Dowladda Midnimada Qaran ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, ahna Wasiirka Shidaalka & Tamarta, M/ne Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex.
Halkaan ka daawo mid ka mid ah soo dhawayntiisa:
25- Waxaa ururku dhiirrigeliyaa islamarkaana dawr weyn ka qaataa mise dhiiragalin ku sameeyaa xubnaha ka qaybqaata hormarinta arrimaha bulshada sida caafimaadka iyowaxbarashada,tusaale Freinds of Gedo and Galgaduud Hospitals iyo SDF oo dhawaan fundaraisings ku kala qabtay Colombus,Ohio iyo Nairobi,dalka Kenya.
26-Waxaa uruku ku guuleystay inuu ka salgaaro arrintii C/waaq, haddana wuxuu ku guda jiraa sidii nabaddeeda iyo wax u qabadkeeda si mideysan oo la isku waafaqsanyahay looga wada shaqeyn lahaa.
27-Ururka oo aan wax dhaqaale ah lahayn awgeed, kharajaadkii hawlahaas lagu galay waxaa isu xilqaamay oo bixiyay shakhsiyaad iyo magaalooyin gaar ah.
Walaalayaal anagoo kuguda jirno dhamaytirka ururka ayaan intaas aan kor ku xusnay qabanay haatana aan wadnaa dardar cusub oo aan doonayno wax muuqda inaan ku qabano sida ugu dhaqsaha badan.
SDSI Communicaions Director C/risaaq Cali Carabeey(Jeesteeye) jeesteeye@gmail.com
|
|
| |
|