Dr. A/risaaq A/laahi Wasame oo ka howlgala “Hadia Hospital” ee degmada Caabud Waaq wuxuu ku dhashay degmada Dh/mareeb ee gobolka G/gaduud. Wuxuu waxbarashadiisii Hoose/Dhexe ku dhigtay isla degmadaas, waxbarashada dugsiga sarana wuxuu ku dhigtay iskuulka Raage Ugaas ee magaalada Muqdisho. Ka dib wuxuu ku biiray ardadii kuliyada caafimaadka ee jaamacada umadda Soomaaliyeed, ugu danbeyntiina wuxuu dhakhtarnimadiisa ku dhameystay wadanka Talyaaniga
Dr. A/risaaq waa nin deeqsi ah, xushmad badan, bashaash ah oo aadan ku caajiseyn la joogiisa. Waxaan shaki ku jirin Dr.A/risaaq iyo dhakhaatiir kale oo ka horeysayba in ay matali karaan riyadeydii ahayd “Sade Diaspora repatriating program”oo macnaheedu yahay in qurbajoogta reer Sade ay dalkii dib ugu laabtaan.
Erayadii Sangub, heestii ay qaadaysay Nakruuma, oo ay laheyd “In aan dibad lagu nagaan Qurbaha naxariisu ool ninkii nacabaan ogeyn ee dib baa loo noqonayaa, waa la noqonayaa”.

Walaalayaal, waxaad og tihiin in dadka dalkii ku haray labaatan-kii sanno ee la soo dhaafay aysan badankood dawlad la dhaqan ahayn, amaba aqoon iyo waaya’aragnimo shaqo aysan laheyn oo dalkii ay ku dhacday
“Brain drain” tanoo ah in maskaxdii dalku Qurbaha aaday.
Mar kale Dr. A/risaaq iyo ragga la midka ah waa geesiyaal sababtoo ah marka wakhti adag la galo ayaa geesiyaashu soo baxaan, intanada badan oo dadweynaha ah waxaan la mid nahay reer Banuu Israa’iil oo ilaahay quraankiisa ku yiri waxaan u soo dejinay hilbo saloolan , oo tanoo macnaheedu yahay in aan sugayno Isbitaalo iskood isu dhisa, Jaamacado iska diyaar ah, jidad iyo Ayrabooro isku qoofalan anagoon wax shaqo ah ka qaban adeegyadaasoo dhan oo aanan dalkii dib ugu laaban.
Ugu danbeyn walaalayaal, qofkii dalka ku laaban karoow waa joognay Qurbaha wakhti nagu filan, ee aanu dib u dhisno goboladeenii oo qofkii xirfad lahoow uga faa’iidee xirfadaada dadkaagii iyo dalkaagiiba.
"DATOORKII LA MAHADIYOOW
DADKIISA OO LA DAYACAY KII U DIIRNAXOOW
DUUMADU KOLKEEY LEYSAY KII DAAWEYNAYOOW
DADKA REER CAABUD-WAAQ KEY KU DIIRSADEEN
DUGSI AAN DARXUMO LAHEYN DAA’INKEEY KU GEE"
Wa Bilaahi Towfiiq.
By: Abdirahman Mohamed Garjeex “Caanogeel”