Gedoweb Online - Booqashadii SDSI Ee Magaalada Seattle ee Gobalka Washington

Contact us @ Gedoweb@gedoweb.com. >>>The Most Reliable News Network>>>>We Just Report


Waraysiyada iyo Maqaalada
 
Kooxda Qaylo Dhaan iyo Kawaankii Dadka



 

Daawo Video Cusub oo Ku Saabsan Socdaalkii Gudoomiye C/Nuur ee Holland








Waraysi: Dr Cabdi Shire iyo Buugiisa Cusub ee "Hogaaminta Wanaagsan"









Dr C/risaaq C/laahi Warsame, Dhakhtra Ku Dayasho Mudan by Garjeex







Saadaal Media oo hawada dib ugu soo noqday 



 
 
Wargayska Gogol 
AminArts
Arts Osman
Aflax.net
Alfaghistudio
Albakrioil.com
Abaaqaroow
Adaltribune
AllBanadir
Alldalka
Allsomali
Allwadani
Allgedo.com
AllPuntland.Com
Allceeldheer
 Ambcom  aqaad.
Banadir City
.Bilansom.
Banadircity.net
BlueStar studio
Banadir
Banaadiri
BBC Somali
Biyokulule
Boramanews.com
Buuloburde
Buurhakaba
Baraawepost
.Puntlander

Caabudwaaq Online 
 Ceel-Cadde 
Calayaale
Cowslafil.com
Ceel-waaq
Carmooyin.com
Dadnimo.com
Dailypuntland
Dulmidiid 
Dayniile
Dalka Somalia
Deeyoo
Dhagaxtuur
Doollo
Diilhare.com
Dulmane
Dhaqankahawiye
.Galgaduudpost
Ganane
Godeynews
Gendershe.com
Gobeey
Geedoole
Gedonet
Gedoland
Goobjoog
.Ufurow
Hillaac.ne
Huriwaa
homelandmedia
Hiiraan
History of Banadir
Hamarey
Harardhere
Harowo.com
Halgan.Net
Hornafrik
Hobyo-one
Heegan.net
HorseedNet
 
iQraPress
Idamaale
Irinnews
 Ilays
Jowhar.com
Jammaame
Janaale
Jubanet
Jijigawe
Kubadda
Kacdoon
Kulmis
Luuq.com
Luuq.Net
 
MarkaCadey.Net
Mareeg.com
Muqdisho Times
Midgaan.com
Midnimo.com
Moga University
Mudug online
Onkod
Qaranimo
Qaadisiya.com
Qorahay
Runta
 Somalitimes 
RSTV Online
Radio free Somalia
Radio Laascaan
Radio Banadir
Sahanradio.
 
Safariphone
Somali Swiss
SCC
Safka-hore
Shabelle.net
Somali Media
Somalia News
Somalitalk
SomaliNet
SomaliOz
Somali refu Yemen

Somalitimes
Somaliland today
Somalivoices
Somaliwide.com
Somali wide
SoomaaliNews
Somaliweyn
Somsports.com
.Waagacusub
 Wordsom
Talowanaag
.Waayah
Warqabad.com
Wabishabeele
Wariye
Widhwidh
Waxweyn
Wardheernews
Wadanka.com
 
XamarNet.Com*
Xamar Shop
Xararyaale
Xog-waran.com
Xurnimo
Xaraash

  
Booqashadii SDSI Ee Magaalada Seattle ee Gobalka Washington
Posted by usa
Sunday, July 25 @ 03:59:05 EDT
Headline News
Waxaa tariikhdu markay ahayd 16 bishan July 2010 soo gaaray magaalada Seattle ee gobalka Washington wafti ka kooban Shan xubnood oo uu hogaaminaya gudoomiyaha ururka SDSI mudane cabdinur Sh.Cabdisalaam Aw-Maxamuud.Socdaalka Xubnahaan ay ku soo garaan magaalada Seattle ayaa qayb ka ah safaro kala duwan oo uu ururka SDSI ku marayay Qaarada Yurub,Mareykan iyo Canada. Maqal Iyo Muuqaal (Qudbooyinka)


Wafdigaan oo ka koobnaa Shan xubnood oo kala ah;gudoomiyaha ururka SDSI Cabdinur Sh.Cabdisaalm Aw-Maxamuud,Labadiisa ku xugeen Cumar Sh.Maxamuud,Axmed Dahir Carabeey,Ayaanle Maxamed Siyaad iyo Ibraahim Yusuf Faarax(Ibraahim Dheere) ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Seattle iyagoo markiiba guda galay kulamo is dabajoog ahaa oo ay la qateen dhamaan qaybaha kala duwan oo ay bulshadu ka koobantahay.Hadaba kulamadaan kala duwan oo qaatay muddo Shan maalmood ah oo waftdigii SDSI ay Seattle ku sugnayeen ayaan waxan isku dayaynaa in aan soo koobno.



SDSI iyo Gurtida Jaaliyadda Gobalada Gedo,Galgaduud iyo Jubooyinka.



Maalintii Jimcaha oo ay tariikhu ku beeganayd 16 bishaan oo ah maalintii wafdiga SDSI soo gaareen magaalada Seattle ayaa waxaa martiqaad qadosharaf ah u sameeyey guurtida jaaliyada oo uu horkacayay Maxamuud Samatar Axmed.Kulankaan oo ahaa mid si fiican loo soo agaasimay siweyna odayaasha ay uga qaybgaleen ayaa ujeedadiisu ahayd isbarasho.



Nabadoon Maxamuud Samatar oo ku hadlay afka golaha guurtid ee jaaliyada gobalada Gedo,Galgaduud iyo Jubooyinka ayaa ugu horayn mahad balaaran u jeediyay wafdiga SDSI ee safarka ku soo gaaray magaalada Seattle.Waxaa sidoo kale madashaas ka hadlay odayaal dhawr oo uu ka mid yahay Bacadle Cali Tiiri



Gudoomiyaha SDSI oo munaasabada ka hadlay ayaa aad u amaanay islamarkaan aad ugu mahadnaqay jaaliyada Beesha Sade ee Seattle sida wanaagsan oo ay u soo dhaweyeen.



Kulankii Kowaad ee Guddiga Jaaliyaadka Gobalaka Gedo,Galgaduud Iyo Jubooyinka



Shirweynihii 1aad ee Jaaliyyada Sade ee Seattle ayaa maalintii Axada oo ay tariikhu ku beegnayd 18 July 2010 saqdii dhexe ku soo afjarmay golaha shirarka ee xaafadda New Holly ee magaalo weynta Seattle. Shirkan oo ay ku dhamaayeen qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda Sade ee Seattle, waxaa si gaar ah Guddigu ugu marti geliyey shirka Xubno sare ee ururka SDSI ee Sanad ka hor beeshu ku dhisatay Columbus Ohio, urrurka waxbarashada iyo caafimaadka (ADEH), guddiga dhismaha Garoonka Gobolka Gedo iyo waliba shaqsiyaad kale oo hawlo muhiim ah u haya Beesha.



Gudoomiyaha Jaaliyadda mudane Ducaale Xirsi Faarax iyo ku xigeenkiisa Cabdullahi Baraawe ayaa ka warbxiyay mudadii Lix bilood oo uu guddiga Jaaliyadda dhisnaa iyadoo dhinaca odayashana ay codkooda ku hadleen Maxmuud Samatar Axmed,Bacdle iyo Faarax Qalalab oo dhamaantood siyaabo kalae duwan u xusay sida ay ka jaaliyada ahaan ugu midaysan yihiin inay taageeraan cid kasta oo u istaagta inay dadka iyo dalka wax u qabato.



Sahro Maxmed Aar oo u hadashay guddiga Airport Garbahareey ayaa ka warbxisay dhismaha garoonka Garbahreey oo sheegtay inuu marayo heer gabagaba ah.Waxay u mahad celisay dhamaan dadkii dhaqaalaha ku tageeray mashruuca dhismaha garoonka.



Waxaa sidoo kale madashaasi ka hadlay gudoomiyaha urrurka waxbarashada iyo caafimaadka (ADEH) oo ah urur samafal ah oo u taagan wax ka qabashada dhinaca arrimaha bulshada gaar-ahaan caafimaadka iyo waxbarasha mudane SAYID AADAN ABDULLE.Sayid wuxuuu ka warbxiyay hawlaha uu ururkiisa qabtay,isagoo sheegay in dhawaan ay dayactireen iskuul ku yaalo magaalada Ceelwaaq ee gobalka Gedo.



Sh.Cabdirisaaq Gooni oo makarafoonka lagu soo dhaweeyay ayaa khudbad gaaban oo baraarujin ah soo jeediyay isagoo markiina gudagaly qodob ka mid ah qodabadii kulanka ugu muhiimsanaa oo ah dhaqaalo uruurin loogu talagalay in lagu tageero dadkii ku waxyeeloobay xasuuqii Ceel-Dibir.



Xildhibaane Indhageele oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka oo isna madasha ka hadlay ayaa tibaaxay inay lagamaarmaan tahay in dadku isku duubnaado islamarkaana aan meel loo fadhin shaqsigii loo arko inuu haraadi yahay.Waxaa hadaldiisa ka mid ahaa “Soomaaliya waxay u baahantahay waa adinka,si dalka iyo dadkii wax loogu qabtana waa in aad ka talaabsataan haddii waxyaabaha Soomali duleeyay oo ah looma dhamo”








Warbixintii Wafdiga SDSI:



Ibraahim Yusuf Faarax oo loo yaqaano Ibraahim Dheere kana tirsan golaha fulinta ee SDSI ayaa waano guud u soo jeediyay ka qaybgalayashii kulanka.Ibraahim wuxuu ku dheeraaday muhiimada ay leedahay wadajirka iyo midnimada.Waxaa hadladiisa ka mid ahaa “Anagu ma nihin dad dhalinyara ah oo tamashle u socda,waxaan waqtigeena,kharashkeena,aqligeenaa iyo aqoonteenaba u bixinaynaa si loo saamatabixiyo dadkii iyo dalkii Soomaaliya”






Waxaa sidoo kale madasha lagu soo dhaweeyay gudoomiye ku xigeenka SDSI Mudane Cumar Sh.Maxamuud oo khudbad dheer oo uu ku sharxayay dhismaha, shuruucda,hadafka iyo waxqabadka ururka SDSI soo jeediyay.






Waxaa sidoo kale madasha ka hadlay gudoomiye ku xigeenka SDSI mudane Axmed Dahir Carabeey oo ka warbixiyay qaabka,shuruucda iyo sida uu ku diiwaan gashanyahay ururka SDSI.








Ayaanle maxamed Siyaad Barre oo ka mid ah goalha fulinta ee SDSI ayaa isna soo jeediyay qodbad gaaban oo ay kaqaybgalayashii kulanka u riyaaqeeen.Ayaanle wuxuu xusay SDSI aan cidna marti ku ahayn dadkana ay u siman yihiin. Waxaa hadaldiisa ka mid ahaa "Sida dda badan ay u dhigayaan SDSI urur wey ka weyntahay,waa abtirsiinyo,abtirsiinyana urur ma noqdo"






Gudoomiya SDSI mudana Abdinur Sh.Abdisalam Aw-Maxamuud oo ay kaqaybgalayashi kulanka ay si aad ah u xiseynayeen inay maqlaan ayaa markii waqtigiisa lasoo gaaray lagu soo dhaweeyay sacab iyo sawaxan hareeyay madasha.



Khudbadii mudane Cabdinur oo taabanaysay dhinacyo kala duwan oo ka mid ah sida uu ku aasaasmay ururka SDSI,dhaliilaha loo soo jeedo ururkiisa,waxa laga filan karo iyo darbiga ugu danbeeyo oo uu ururkiisa ciirsanayo.Waxaa hadaladii gudoomiayaha ka mid ahaa “Waxaa nalagu eedeeyaa inaan Ahlusunna nahay,qaar waxay yiraahdaan waa shuuciyiin,waxaa nala siiyaa naanays kasta..............hadaad wax badan oo nalagu sheego ogtihiin midna ma nihin”






Waxaa xusid mudan in gabdaha Jaaliyada Gobalada Gedo,galgaduud iyo Jubooyinka ee Seattle martiqaado kala duwan ay ku soo dhaweyeen wafdigii ka socday ururka SDSI.



Waxaa sidoo kale dadweynaha loo furay inay su`aalo weydiiyan madaxdii SDSI.Su`aalo kalae duwan oo dhinac walba taabanaya ayaa la weydiiyay madaxdii SDSI.



Guud ahaan kulankaan oo ahaa mid saacado badan socday ayaa ku soo gabgaboobay jawi aad u heer sareeya oo ka qaybgalayashii kulanka ay aad uga maqsuudeen kuna qanceen warbxinadii kala duwanaa ee xubnaha ururka SDSI


Xiriirinta Barnaamijka waxaa sida wada jir ah u daadahaynayay Maxamed Sh.Cabdullahi Iyo Abdiaziz Idaan



 
Related Links
· More about Headline News
· News by usa


Most read story about Headline News:
QORSHE HORUMARIN G/GEDO ( oo ku socda Maamulka cusub) by A/rasak X/farax


Article Rating
Average Score: 0
Votes: 0

Please take a second and vote for this article:

Excellent
Very Good
Good
Regular
Bad


Options

 Printer Friendly Printer Friendly


All logos and trademarks in this site are property of Gedoweb Online. The comments are property of their posters, © 2005 by Gedoweb .
PHP-Nuke Copyright © 2005 by Francisco Burzi. This is free software, and you may redistribute it under the GPL. PHP-Nuke comes with absolutely no warranty, for details, see the license.
Page Generation: 0.11 Seconds